Caffee
Xilliyadii bilowga kafeega waxaa loo arki jiray daroogo ahaan. - UNSPLASH

Cabitaanka kafeega ayaa Makah laga mamnuucay sannadkii 1511 ee milaadiga. Waxaa la aaminsanaa in uu sababo fikir khaldan iyo sarqaan iyo hurdo la’aan.

1. Mekah

Cabitaanka kafeega ayaa Makah laga mamnuucay sannadkii 1511 ee milaadiga. Waxaa la aaminsanaa in uu sababo fikir khaldan iyo sarqaan iyo hurdo la’aan.

Amiirkii xilligaas ayaa joojiyay in kafeega laga cabo magaaladaas barakeysan. Sidoo kale waxaa kafeega xilligaas cabi jiray wadaado doonayay in ay soo jeedaan si aysan hurdo u qaban xilliyada aaska iyo ducada.

2. Taliyaaniga

Markii kafeega la geeyay Yurub, qarnigii 16-naad, baadariyaashii xilligaa waxay mamnuuceen cabidiisa waxayna ku tilmaameen xoolo shaydaan.

Balse boobkii xilligaa, Pope Clement VIII, ayaa dhedhemiyay wuxuuna ogaaday in uu fiican yahay ka dib ayuu u duceeyay bunka, ka dibna si xowli ah ayuu Yurub ugu fiday.

Shan goor oo la isku deyay in kafeega la mamnuuco - Taliyaanigas
Shan goor oo la isku deyay in kafeega la mamnuuco – Taliyaanigas

3. Constantinople (oo hadda ah Istanbul)

Amiirkii Cusmaaniyiinta, Murad, markii uu xilka la wareegay, sannadkii 1623, wuxuu mamnuucay kafeega, wuxuuna dejiyay ciqaab adag oo ka dhan ah qofkii caba.

Ciqaabta koobaad waxay ahayd garaac. Qof kasta oo marlabaad lagu qabto isagoo cabaya kafee waxaa lagu xiri jiray boors gudaheeda ka dibna waxaa lagu tuuri jiray biyaha Bosporus.

4. Sweden

Dowladdii Sweden ayaa kafeega mamnuucday sannadkii 1746. Sidoo kale waxaa kafee badan loo adeegsan jiray in dadka lagu dilo.

Boqorkii xilligaas, Gustav III, wuxuu amri jiray in dadka dembiyada culus lagu he;lo ay cabaan kafee, iyadoo dhakhtarka uu eegayo tirade koobabka uu cabay ee uu u dhiman karo.

Waxay ahayd arrin u fiicnayd dembiileyaasha, caajisna ay ka qadaan dhakhaatiirta.

5. Prussia

Sannadkii 1777, Boqorkii Prussia, Frederick the Great, wuxuu soo saaray amar uu qamriga kaga sare mariyay kafeega.

Wuxuu ku dooday in kafeega uu faragelin ku yeeshay sida dalkaas looga cabo khamriga.

Wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dadkii dalkiisa ay subixii cabaan kafeega si caajiska ay isaga kiciyaan.

Wuxuu Frederick amray in dadka ay joojiyaan cabidda kafeega ayna subixii ku quraacdaan khamri.

Aragtidaada ka dhiibo