24.8 C
Mogadishu
Monday, August 15, 2022

7 hadiyad oo madaxda ay siin karaan dadkooda

Must read

Sannado badan, dadka waxay isa siinayeen hadiyado, waxaana mararka qaar la qabtaa xaflado la isku dhaafsanayay waxyaabo kala duwan.
Dad badan arrintan uma ahan oo keliya dhaqan balse waa qaab ay isugu mahadceliyaan, una muujiyaan in qofka kale ay ku faraxsan yihiin.

Inta badan waxaa wakhti la geliyaa sidii loo heli lahaa hadiyadda ugu wanaagsan oo qofka ku haboon.
Waxaa hadda hadiyado isa siiyo xitaa dadka isla shaqeeya – madax aha shaqaale caadi ah – iyo sidoo kale madaxda dalalka oo shacabkooda wax uun u haddiyeeya.
Hadiyadaha waxaa la isa siiyaa xilliyada munaasabadaha, dhalashooyiinka iyo wakhtiyada fasaxa lagu jiro.
Balse haddii haddiyadda ay tahay shay ama walax, waxaa suuragal ah in dhowr maalmood ka dib la iska ilaawo ama ay dhammaato.
Haddii aad dooneyso in aad bixiso hadiyad muddo sii jirta waxna laga faa’ido, waa in aad siisaan hadiyadaha ay keenaan madaxda wanaagsan.
Halkan ka akhriso toddobo hadiyad oo ay bixiyaan madaxda wanaagsan.

  1. Sii wax ay iyagu leeyihiin oo ay hantiyaan

Waxaa suuragal ah in aadan awoodin inaad siiso wax wayn leh oo shaqo ah, balse waad u dhiibi kartaa howl ay iyaga leeyihiin sida mashruuc, hannaanka arrin ama wax xiriir la leh.
Hoggaamiyeyaasha wanaagsan way og yihiin in lahaanshiyaha uu sababo faa’iido badan iyo howlkarnimo. Marka waxay qofka dareensiiyaan in shaqada uu hayo uu wax ku leeyahay.
Hadiyadda noocaan ah, si indho la’aan ah looma bixiyo, balse waxaa la socda daryeel iyo dareen badan oo la xiriira xulashada.

Sii wax ay iyagu leeyihiin oo ay hantiyaan-min
Sii wax ay iyagu leeyihiin oo ay hantiyaan-min

Waxaa qeyb ka ah qiimeynta halista, awoodda qofka oo la eego, sida uu waxaas u jecel yahay iyo sida ugu wanaagsan ee loo caawin karo sida latalin iyo tababar iyo waxa ay tahay lahaanshaha.
In aad dadkaaga u ogolaato in ay helaan waxa ay iyaga leeyihiin oo masuul ka yihiin, micneheedu wuxuu yahay in maskax ahaan ay dareemaan isku filnaansho taas oo ay wehliyaan go’aan wanaagsan iyo galaangalkooda.

2.Waxaad u sameysaa wax ama qof ay aaminaan

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan way og yihiin in is aaminaadda ay saameyn wayn ku leedahay waxkasta oo ay sameynayaan.
Is aaminaadda wanaagsan waxaa ka dhasho hal abuur shaqo iyo howlgelin heer sare ah. Is aaminaad la’aantana waxay sababtaa baaba’a xiriirka, natiijada shaqada iyo howlkarnimada.
Hogaamiyaha fiican wuu og yahay in is aaminaadda aysan ahayn hadiyad si fudud la isku siiyo. Inta wax lagu duubo la iskuma wareejin karo, sannadkiiba mar. Waa dadaal joogto ah oo aan hadal oo keliya ahayn balse in ay ka dhalato wada dhaqan iyo dabci wanaagsan.

3.U dhiib aragto ama hiigsi u dhigma dadaalkooda

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan waxay la yimaadaan muuqaalka way nee ah sababta ay dadka u shaqeynayaan iyo jihada loo socdo ama la hiigsanayo. Keliya ma dhowraan sumcadda iyo heerka la gaarsiisan yahay, mana ka falceliyaan waxkasta. Balse waxay sameeyaan dhiiragelinta dadka iyo in ay fahamsiiyaan sababta ka dambeyso in shaqada ay hayaan qabtaan.
Hoggaamiyeyaasha noocaan ah way fahamsan yihiin in ‘sababta’ ay tahay midda ugu way nee dadka uga gudbi karaan caqabadaha.

4.Hannaan shaqeynaya la imow

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan waxay sameeyaan hannaan dadka ka caawinaya in ay guul gaaraan. Waxay la yimaadaan qaab qofka u fududeynaya waxa uu doonayo oo aahan ahayn in seddax saxiix u baahan yahay si uu guul u gaaro.
Dadkooda ma weydiiyaan in ay soo qoraan warbixinno ama codsiyo uusan qofna akhrin doonin, mana qabtaan shirar aan wax qiima ah soo kordhineyn.
Sidoo kale ma sameeyaan hannaan abuuraya ama u baahan daryeel iyo quudin xad dhaaf ah. Hannaanka xun wuxuu baabi’iyaa awoodda iyo wada shaqeynta dadka.

5.Ka talo geli hannaanka iyo howlaha

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan way ogyihiin in dadka ay jecel yihiin la dhageysto waxna laga weydiiyo arrimaha iyaga saameynaya.
Marka waxay weydiiyaan fikradaha ay ku darsanayaan, waxay dadka ku qalqaaliyaan in talooyiinkooda ay la wadaagaan, wayna tixgeliyaan arrimaha ay soo jeediyaan.
Taas micneheedu ma ahan in hoggaamiyaha uu qaadanayo wax kasta  oo dadka ay u soo jeediyaan. Si fudud, micnaha wuxuu yahay in dadka la dhageysto laguna tixgeliyo fikradooda.

6.Waxaad fursad u siisaan in ay noqdaan dad wanaagsan oo howlkar ah

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan waxay sameeyaan fursad ay dadka wax ku bartaa, ku horumaraan, ayna noloshooda sare ugu qaadaan.
Horumarka kuma koobaan dad yar oo keli ah oo ay soo xushaan, mana bixiyaan maalgelin tababar oo si degdeg ah looga filayo miro dhal.
Taas bedelkeeda waxay la yimaadaan fursado ballaaran, waxayna dadka kala shaqeeyaan sidii ay u fahmi lahaayeen halka ay joogaan iyo waxa ay hiigsanayaan iyo sida ugu wanaagsan ee looga taageeri karo sidii guusha ay u gaari lahaayeen.

Waxaad fursad u siisaan in ay noqdaan dad wanaagsan oo howlkar ah
Waxaad fursad u siisaan in ay noqdaan dad wanaagsan oo howlkar ah

7.Sii awood ay guusha ku dhedhemiyaan

Hoggaamiyeyaasha wanaagsan way ogyihiin in dadka ay jecel yihiin in guulo ay ka gaaraan nolosha. Waxayna doonayaan in ay ogaadaan in shaqada qofka ay qiimo leedahay.
Waxaa nasiib darro ah in dad badan ay u tagaan shaqada sidii maalintaa ay uga badbaadi lahaayeen shirarka iyo howlaha adage e loo diro.
Sidoo kale waxay shaqada u tagaan oo keli ah in aan wax qalad ah loo raacan iyo in aan laga soo ceyrin.
Marka taas waxay sababeysaa in dadka aysan ka fakarin sidii ay horumar ku gaari lahaayeen, balse ay diiradda saaraan sidii aysan shaqada ku wayn lahayn.
Hoggaamiyeyaasha wanaagsan way og yihiin in guusha ay tahay midda qiimaha leh ee dadku jecel yihiin.
Guusha waxay horey u socodsiisaa shaqsiyaadka, kooxaha shaqo wanaagga ah iyo shirkadaha.

 

 

Aragtidaada ka dhiibo

- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article